UAE: Heshiiska Puntland iyo Galmudug ee ka dhacay Abu-Dhabi

dubiaDubai (NN) 02/11/2016

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku casuntey magaalada Abu-dhabi dhamaan madaxda maamul-gobleedyada Soomaaliya, waxaana War murtiyeed ku saasaarey heshiiska Puntland iyo Galmudug.

Casumaaadda Imaaraadku fidiyey ayaa la aaminsan yahay in ay la xiriirto, arrimaha doorashada iyo sidii Imaaraadka carabtu ay awood ugu yeelan lahaayeen natiijada doorashada markii u horeysey. Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka shantii sano ee u danbeysey si rtoos ah faraha ula galay arrimaha Soomaaliya, sidoo kale waxa ay heshiisyo ganacsi la saxiixdeen qaar kamid ah Maamulada Soomaaliya, taas oo saameyn ku yeelan karta arrimaha doorashada haddii aysan shukaanta u qaban.

Imaaraadka Carabta ayaa dhamaan madaxweynayaasha maamul-goboledyada wada dejisey hal Hotel oo ku yaala Abu-dhabi taas oo sahal ka dhigtey in kuwa muranka iyo dagaaladu u dhexeeyaan ay is arki karaan oo wada hadli karaan.

Heshiis hordhac ah

War ka soo baxay Imaaraadka ayaa lagu sheegay in maalintii Isniinta ay shir wada qaateen Madaxda Puntland iyo Galmudug isla markaana ay ka wada hadleen mudanka xududeed ee u dhexeeya sida lagu sheegay warka Imaaraadka.

Shir ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa lagu sheegay in Puntland iyo Galmudug ay wada gaareen heshiis dhigaya xabbad joojin, iyo in la sameeyo guddi wada xaajood oo gaara heshiis waara, kaas oo ka dhici doona magaalada Kismaayo.

Haddaba waxaa saxaafadda soo garey war murtiyeed laga soo saarey shirka kaas oo labada dhinac ay kaga dheggan tahay calaamadaha maamulada Puntland iyo Galmudug, hoos ka eeg qodbada la isku afgartey.

Comments are closed