DAAWO Jaaliyadda DDSI Newzealand Xaflada lagu Taageeri DDSI Lagu Cambaareyn Ginbot-7 Onaag
Newzealand (ESTVLIVE.COM) 04/11/2016
Jaaliyadda DDSI Ee dalka Newzealand ayaa waxey soo agaasimeen xaflad lagu taageerayo hormarka ka socda deegaanka Somalida itoobiya 5tii sano u dambeysay isla markaana ay ku cambaareenayaan ayna kaga Soo Horjeedaan Ururada Nabad Diidka Ah, GiNBOOt7, ONAG IYO waxii lamid ah. ee doonayaan in Itoobiya Dib Ugu Soo Celiyaan Heeryadii Gumaysiga, Cadaadiskii Iyo Dhiig-Miiradkii Dhargiga Uu Gabbalkoodu Dhacay Ee Kiniisadaha Looga Talin-Jiray Isla markaana ay kasoo horjeedaan Nidaamka Federalismka iyo wada Noolaanshaha Qoomiyadaha dalka Itoobiya kunool Iyo Dastuurka dalka u yaala.
Xaflada Ayaa lagu qabtay Magaalada Hamilton Waxaa shirka Furay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Dalka Newzealand Mudane Axmed Saalax Galaal oo uga mahadceliyay dhamaan ka soo Qeybgalayaasha xafladda iyo Marti Sharif kala duwan ee Taageerayaasha Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya ee dalka Newzealand waxaana khadka Telefanka kaga Soo Qeybgalay Safiirada Itoobiya u fadhiya dalka Australia iyo Newzealand Marwo Tirfu Kidanemariam Gebrehiwet oo uga mahadcelisay dhamaan Hogaaminta Jaaliyadda DDSI Ee Newzealand iyo Taageerayaasha Xisbiga EPRDF ee Qurbajoogta Somalida itoobiya ay markasta ay garab taagan yihiin dowladda federaalka itoobiya isla markaana ka soo horjeedaanururada nabad diidka ah waxey kaloo sheegtay safiirada in ay mudan yihiin Qurbajoogta DDSI kuwa dayasho mudan.
waxaa kaloo halkaasi ka hadlay madaxweynihii hore DDSi Mudane Cabdulaahi Xasan oo ku nool dalka Newzealand ayaa sharaad dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha horumarineed nabadgalyo Itoobiya cusub ee maanta laheysto iyo kuwa doonaya in ay dib ugu soo celiyaan fikirkii dhargiga in maanta Qurbajoogta DDSI Ee ku dhaqan Newzealand ay Cambaaynayaan Kooxda Nabad-diidka ah islamarkaana la taageero Xisbiga EPRDF iyo Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya oo suurta galiyay horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee maanta aynu haysano,
Ugu dambeyntii, waxaa khadka Telefanka shirkii Jaaliyadda DDSI Ee Newzealand kaga Qeybgalay Wasiirka Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Wahaab Yusuf Maxamuud oo kula dardaarmay Hogaaminta Jaaliyadda DDSI midnimada in ay Xoojiyaan wasiirka ayaa uga mahadceliyay dhamaan Mas’uuliinta iyo martisharaf ka soo Qeybgalay xaflada dadaalka ay hayaan sii laba laabaan shirkaasi ayaa waxaa ka hadlay Masuuliyiin oo aan qoraal lagu soo koobi karin muqaalka Xaflada ka daawo Xaga Hoose
Comments are closed