Melbourne (ESTVLIVE.COM) 06/11/2016
Jaaliyadda Australia ayaa ah Jaaliyad aad u firfircoon oo ku dheehan wadamiyad xubno kamid ah hogaaminta jaaliyadda ayaa waxey soo diyaariyeen Abaal-marino la gudoon siinayo xubno ka mid ah jaaliyadda oo dadaal balaadhan sameeyay sifa mooraalkooda kor loogu qaado isla markaana lasii xoojiyo taageerada XDSHSI. Waxaa ugu horeyn meesha ka hadlay Gudoomiyha Jaaliyadda DDSI Victroria Mudane Fatxudiin Xirsi iyo Kuxigeenkiisa Guleed dheeg. oo ay ka warbixiyeen Taariikhdii Xisbiga isla markaana ay taageersan yihiin Shirweynihii 9aad ee XDSHSI lagu Qabtay Tuulada Maraacaato.
Aqoonyahan Yusuf Haybe oo sharaxaad dheer ka bixiyay sooyaalkii taariikheed iyo isbadaladii horumarineed ee uu dalku soo maray 25kii sano ee lasoo dhaafay iyo gaar ahaan deeegaanka 25kii sano ee udanbaysay iyo faraqa udhexeeya itoobiyadii shalay iyo itoobiyada cusub ee maanta.
Xubnaha Abaal-marinta lagudoon siyay ayaa ka mid ah Mudane Yusuf Haybe, Marwo Tufaax Garaad, Marwo Umalkheyr Dalmar Jaaliyadda DDSI Australia ayaa ah jaaliyad lagu xasuusto sida weyn ay u soo dhaweeyeen Wafdigii Madaxweynha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar uu hogaaminayay iyo sida y cagta u mariyeen kooxdii nabad-diidka ahaa
Comments are closed