Birmingham (NN) 06/11/2016
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee Birmingham UK Mudane Bile Maxamed Siyaad iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Shaafici oo u mahadceliyay Gudiga Xafladan quruxda badan ee lagu taageerayo Xisbiga soo qaban qaabiyay waxaa kaloo u mahad celiyay dhamaan Xubnaha Taageerayaasha XDSHSI.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Aqoonyahan Mudane Khaliif Sh Yuusuf oo ka warbixiyay sooyaalkii taariikheed iyo isbadaladii horumarineed ee uu dalku soo maray 25kii sano ee lasoo dhaafay iyo gaar ahaan deeegaanka 25kii sano ee udanbaysay iyo faraqa udhexeeya itoobiyadii shalay iyo itoobiyada cusub ee maanta.
Waxaa kaloo Halkaasi ka hadlay Mudane Muqtar Cabdulaahi iyo Xasan Cali Yusuf oo ka yimid Gobolka Yorkshire sacada badan u soo socday in ay ka soo qeybgalaan shirka lagu taageerayo XDSHSI ee Jaaliyadda DDSI Birmingham UK Martigalisay waxey halkaasi ku soo bandhigeen Waxqabadka Xisbiga uu qabtay.
Waxqabadka XDSHSI waa mid balaadhan ee mudo gaaban gudaheed lagu keenay islamarkaana tilmaamay in isbadalkani uu kuyimid oo kali ah kago’naanshiyaha hogaaminta deegaanka iyo taageerada XDSHSI. Waxayna kamahadceliyeen Taageerayaasha Xisbga waxqabadka horumarineed, nabadgelyo iyo maamul suuban ee uu deegaanku gaadhay.
Waxaa kaloo halkaasi kahadlay ganacsato mardhow wadankii ka yimid Mudane Saadaq cali iyo Cabdulaahi Xeef oo ka warbixiyeen fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka isla markaana qurbajoogta DDSI fursado maalgasho la siyay qaarbadana oo qurbajoog ah ay ka faaideysteen fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka guusha waxaa keenay Madaxweynaha DDSI markey ka codsadeen in fursado maalgashi lasiyo qurbajoogta.


Waxaa kaloo halkasi ka hadlay Marow Waris, Marwo Ardo, Marow sahra, Marwo fadimo, dhamaan waxey taageerayaan Shirweynihii 9aad ee XDSHSI ee lagu qabtay Tuulada Maraacaato. waxaa halkaasi ka hadlay taageeraayaasha xisbiga waxaan ka cudur daaraneynaa in aan dhamaan magacyadooda aanu qoraal lagu soo koobi Karin raaligalin ayaanu ka bixin
Ugu Dambeyntii Waxaa shirka soo xiray Ugaas Xasan oo uga mahadceliyay dhamaan Xubnaha Taageerayaasha XDSHSI isla markaana Taageeraya Shirweynihii 9aad ee XDSHSI wuxuuna bogaadiyay horumarka iyo nabadgaliyada uu deegaanka Soomaalida Itoobiya maanta gaadhay ayaa tusaalooyin cad cad u ah XDSHSI Guulaha iyo isbadalka uu gaadhay.
Comments are closed