Wasiiru Dawlaha Wasaarada Horumarinta Xoolaha Iyo Kaluumaysiga JDFI Oo Booqatay Maxjarka Xoolaha DDSI.

0000mjarka1Jigjiga (ESTVLIVE.COM) 06/11/2016

Wafti iskugu jira  heer deegaan,  heer fedaraal  iyo heer gobol  oo ay hogaaminayeen madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna  Wasiirka xafiiska  Beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay ku wehelinasay  wasiirudawlaha wasaarada horumarinta  xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI  marwo Misraaq Mokonenayaa booqday mashruuca dhismaha  maxjarka xoolaha DDSI oo laga hirgalinayo tuulada harre waqooyiga degmada jigjiga.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ee DDSI marwo sucaad axmed faarax ayaa waftigan heer fadaraal uga warbixisay geedi socodka shaqo ee  dhismaha maxjarkan. waxayna sheegtay in uu hadda marayo meel gabagabo ah. madaxwayne ku xigeenka ayaa masuuliyiintan u  sheegtay in dhismaha mashruucan maxjarkan ay dhismihiisa  fulinayso  wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI.

0000mjarka2Dhankeeda wasiiru dawlaha wasaarada horumarinta xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI marwo Misraaq Mokonen oo ka mid ah golihii wasiirada ee dhawaan Raysalwasaaraha dalku soo magacaabay islamarkaasna hawl shaqeedkeedii u horeeyay doorbiday inay booqashooyin shaqo ku  marto DDSI oo ah deegaanka ugu xoolaha badan dalka  ayaa bogaadisay  dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida caafimaadka iyo tayada xoolaha deegaanka waxayna sheegtay in maxjarkan yahay mid casriya oo ka qaybqaatanaya suuqgaynta xoolaha dalka gaar ahaana DDSI

Waftigan ayaa markii ay dhamaysteen booqashadii maxjarkan waxay  booqteen  tuulooyink ka agdhaw maxjarka oo laga wada  ololaha talaalka xoolaha gaar ahaan adhiga oo laga talaalayay cudurka PPRka   talaalkaasi ayaa ah mid lagu  tir tiraya  lagagana hortagayo cudurka loo yaqaano  PPRka oo ku dhaca adhiga iyaga oo wafigu kaga qayb-qaatay ol-olahaasi talaalka tuulooyinkaasi ay soo mareen.

Comments are closed