Xafladaa casho sharafta ah, oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu sarayso oo uu ka mid yahaymadaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI golaha wasiirada DDSI masuuliyiinta ugu saraysa shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI (Ethio telecom) oo ay ka mid yihiin maareeyaha guud ee shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI mudane Dr Andhualem Admasse , iskuduwaha barnaamijka balaadhinta isgaadhsiinta dalkeena itoobiya mudane Ambachaw Radaye, masuuliyiin ka socday shirkada Huawei iyo marti sharaf kale.
Xafladan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo u mahad celiyay masuuliyiinta shirkada isgaadhsiinta telifoonada dalkeena itoobiya ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dadaalada xoogan ee ay shirkada isgaadhsiintu ku balaadhisay adeega isgaadhsiinta deegaanka gaar ahaan barmaamijkan balaadhinta adeega isgaadhsiinta oo kaalin wayn ka qaatay helitaanka adeega moobilka gacanta iyo internetka 3Gga kaasi oo gaadhay bulshada deegaanka ee ku nool goobaha fog-fog. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in ay dhinaca kale sheegay in ay baraamijkan shaqo abuur ka heleen iskaashatooyinka dhalinyarada DDSI .wuxuuna madaxwaynuhu ku booriyay masuuliyiinta ka socay shirkada isgaadhsiinta in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aadan tayaynta adeega isgaadhsiinta.
Dhanka kale waxaa ka hadlay xafladan casho sharafta ah maareeyaha guud ee shirkada isgaadhiinta telifoonada JDFI mudane Dr Andhualem Admasse wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay barnaamijkan balaadhinta adeega iskaadhsiinta. Isaga oo sheegay in deegaanka somalida itoobiya uu barnaamijkan balaadhinta adeega iskaagshiintu sidii loogu talagalay iyo wakhtigii loogu talagalay ka hirgalay. Waxaana taasi noo fududeeyay ayuu yidhi hogaaminta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo si ka go’aansha leh noola shaqeeyay ayuu yidhi maareeyuhu. Waxaa kale oo uu sheegay in ay hirgalinta barnaamijkan balaadhinta adeega isgaadhsiinta kaalin miisaan culus ka qaataday wakaalada iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI.
Gabagabadii xafladan casho sharafta ah ayaa waxay masuuliyiinta shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI gudoonsiiyeen abaalmarin gaar ah oo iskugu jirta shahaado sharaf iyo hadiyado kale madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar taasi oo uu ku mudaystay sida ka go’aanshaha leh ee uu ula shaqeeyay sidii loo hirgalin lahaa barnaamijkan balaadhinta adeega isgaadhiinta DDSI.
Dhanka kale waxaa abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay xafiisyadii iyo wakaaladihii ka qayb-qaatay hirgalinta barkaamijka balaadhinta adeega isgaadhsiinta DDSI.
Comments are closed