Daawo Doorashada USA: Hay’ada FBI-da oo sheegtay inay wax danbi ah ku weysay Hillary Clinton – VIDEO

comey-fbi-hillary-740x416Mareykanka (NN) 07/11/2016

Hay’ada danbi baarista Maraykanka FBI-da oo baaritaan ku waday Emailada ay isticmaali jirtay Hillary Clinton ayaa markale ku dhawaaqay inay wax danbi ah ku waayeen Murashaxada u taagan xilka Madaxweynaha.

Agaasimaha FBI-da James Comey ayaa 28kii bishii Oktoober xiisad weyn ka abuuray dalka Maraykanka, kadib markii uu waraaq uu u diray Baarlamaanka ku sheegay inay dib u bilaabayaan baaritaankii ay ku wadeen Hillary Clinton Emailadeeda inay si khaldan u isticmaashay xiligii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibada.

Baaritaanka lagu waday Hillary Clinton ayaa la xariira eedeynmo ah inay Emailadeeda khaaska u ah u isticmaashay hawlaha dowlada, iyadoo aan adeegsan Emailkada dowlada, taasi oo khatar gelin kartay sirta dowlada Maraykanka. Balse FBI-da ayaa bishii July (Luulyo) ee sanadkan sheegtay inay soo xirtay baaritaanka isla markaana ay wax danbi ah ku weysay Mrs.Clinton.

Arrintan ayaa markale dib usoo noqotay kadib markii Agaasimaha FBI-da Mr.Comey uu Jimcihii 28kii Oktoober uu sheegay inay heleen emailo horleh ayna dib u eegayaan, warqadaasi uu James Comey u diray Baarlamaanka ayey si weyn u cambaareeyeen Xisbiga Dimuquraadiga oo ku tilmaamay fal lagu khal khal gelinayo ololaha doorashada ee Hillary Clinton.

Madaxa FBI-da ayaa warqad kale oo uu xalay u diray Baarlamaanka Maraykanka ku sheegay in maalmihii lasoo dhaafay hay’ada danbi baarista ay si degdegleh u eegaysay emailada ay heleen oo ay caadatay inay u badnaayeen emailadii ay horey u hayeen, isla markaana ay mar labaad ku dhawaaqayaan in aan wax danbi ah lagu helin Hillary Clinton. Qoraalkan ayaa lagu beegay 2 maalmood kahor codbixinta.

Hase yeeshee taageerayaasha Xisbiga Dimuquraadiga ayaa sheegay in qoraalkan uu yahay mid soo daahay isla markaana shakiga lagu abuuray Hillary Clinton uu yahay mid dhaawac weyn u geystay ololaheeda doorashada.

Xisbiga Jamhuuriga oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn u adeegsanayey ololahooda cambaareynta Hillary Clinton iyagoo la xariirinaya baaritaanka FBI-da ay ku wado ayaa go’aanka ugu danbeeyey ee James Comey madaxda FBI-da ku tilmaamay mid lagu degdegay.

Comments are closed