“…Askarta ku labisan dareeska booliiska Federaalka Ciraaq ayaa bilaabay inay dad shacab ah ku dilaan duleedka koonfureed ee magaalada Mosul…” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Amnesty International, waxaana la rumeysan yahay in dadkaasi Shacabka ah ay booliiska uga shakiyeen inay xiriir laleeyihiin kooxda Daacish.
Horey ayaa looga digayey in askarta dowlada oo u badan shiico ay xasuuq ka geysan karaan dhulka ay ku badan tahay Sunnida ee uu hada hawlgalka ka socdo.
Kooxda Daacish ayaa xiligii ay la wareegaysay waqooyiga Ciraaq sanadkii 2014, taageero badan ka heshay shacabka Sunnida ah oo dhibaato badan ka sheeganayey ciidamada dowlada Ciraaq oo u badan Shiico, arrintan oo hada muuqata inay dib usoo noqotay.
Comments are closed