Dibadbaxyadii Waddamada Carabta oo la shaaciyay in lagu Waayay Boqollaal Bilyan oo Doollar

arabtaCarabta (NN) 11/11/2016

Daraasad ay sameeyeen guddiga Qaramada Midooay u qaabilsan dhaqaalaha, ayaa lagu sheegay inay mudaaharaadyadii ka dhacay Waddamada Carabta ee loogu Magac-daray Xagaagii Carabta ay dhaliyeen cawaaqib aad u xun, iyadoo lagu xusay warbixin ay guddigan soo saareen inay waddamada Carabtu kacdoonnadaas ku waayeen 600 oo Bilyan oo Doollar.

Guddiga Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee QM u qaabilsan Aasiya, ayaa sheegay inuu qiyaastaas ku saleeyay sadaashii dhaqaale ee la sameeyay sannadkii 2011-kii.

Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay inay lacagtan u dhiganato 6% Dhaqaalaha Guud ee Bariga Dhexe. iyagoo Hadalkooda raaciyay in saadaasha Dhaqaalaha ay inta badan ku timaado is-bedelka ku yimaada maamullada talada haya, kaasoo sababa kobac dhaqaale iyo shaqooyin badan oo abuurma mustaqbalka fog.

Guddiga, ayaa Warbixintooda ku sheegay in gobolka Carabta aanu Saadaashaasi waafaqin. waxayna dhibaatada dhaqaale ku tilmaameen mid saameysay gabi ahaan Dalalka Carabta.

Dibadbaxyadii ka dhacay Wadamada Carabta qaarkood, ayaa markii dambe isku beddelay ammaan-darro, colaad iyo Jah-wareerka haatan ka jira Dalalkaas sida Liibiya, Suuriya iyo Yemen, kuwaasoo ay ka qarxeen dagaallo sokeeye.

Ugu dambeyn, Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Dhaqaale-xumada Saameysay waddamada dariska la ah kuwa Carabta ee qasku ka jiro, iyadoo waddamadan dariska la ah kuwa ay colaaduhu saameeyeen ay ku jabeen qoxooti fara badan.

 

Comments are closed