Madaxweyne Barack Obama oo Aqalka Cad la kulmay Madaxweynaha Xilka kala Wareegi Doona

mareykankaMareykanka (NN) 11/11/2016

Madaxweyne Barack H. Obama, ayaa Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka kula kulmay, Madaxweynaha la doortay ee Xilka kala wareegaya, Donald Trump.

Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo dhex-mara Trump iyo Obama, iyadoo kulankan uu qayb ka yahay hannaanka uu jagada kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Donald Trump, ayaa kaga Guuleystay Doorashadii Madaxweynenio ee Talaadadii dhacday musharraxadii u Tartamaysay xisbiga Dimuquraadiga, Hillary Clinton, inkastoo dad badan oo Mareykan ah kasoo horjeesteen doorashada Mr, Trump.

Sidoo kale, Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Trump ayaa ku tilmaamay Barack H. Obama nin wanaagsan oo uu Rajeynayo in uu marar badan la kulmo Mustaqbalka soo socda.

Wadahadalka labdan mas’uul, ayaa si weyn uga duwanaa kuwii dhexmaray intii uu socday loolankii doorashada markaasoo Madaxweyne Obama uu ka ahaa qayb dadkii u ololeyayay Hillary Clintoon, shir jaraa’id oo ay Qabteen uu ahaa mid kooban. Iyadoo labaduba ay muuqdeen xasiloon, isla markaana Wadajirkooda ay ahaayeen kuwo furan.

Barack Obama ayaa sheegay inay ka-wada-hadleen arrimo siyaasadda dalka Mareykanka ee gudaha iyo diabdda taabanayay, uuna ku faraxsan yahay in Madaxweynaha cusub Donald Trump uu diyaar u yahay inuu maamulkiisa la sii shaqeeyo inta uu xilka ka dagayo.

Dhanka kale, Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa kulammo dheeraad ah inuu la yeesho madaxweyne Barack H. Obama. Iyadoo intii lagu jiray ololihii doorashada uu Doland Trump wacad ku maray inuu meesha ka saari doono dhaxalka uu ka tagayo Obama, isagoo su’aal geliyay in Obama uu waddanka Mareykanka ku dhashay. Halka Obama uu ku tilmamaay Trump khatar weyn oo aan u qalmin inuu Hoggaamiyo Maraykanka.

Ugu dambeyn, Iyadoo Xisbiga Jamhuuriga uu hadda leeyahay Aqlabiyadda labada gole ee Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa Trump Wuxuu si fudud u beegsan karaa Dadaalladii Madaxweyne Obama, sida isbedelka uu ku sameeyay Caafimaadka Dalka Mareykanka

 

Comments are closed