Mareykanka gudihiisa oo arday Muslimiin ah lagu weeraray

ardeyMareykanka (NN) 11/11/2016

Maamulka labo jaamacadood oo ku yaala gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Khamiistii la weeraray arday Muslimiin ah.

Ardaydaa ayaa hablo ah. Mid ka mid ah weerarada ayaa Muslim nacayb lagu tilmaamay.

Weeraradaa ayaa dhacay Arbacadii kadib markii Donald Trump la doortay, ninkaasoo ah nin Muslim nacayb muujiyay intii ololaha doorashadu socday.

Mid ka mid ah weerarada labo qof ayaa qof ay weerareen horjoogsaday ayagoo waxyaabo kusaabsan Trump ku dhawaaqay sida boolisku xaqiijiyay.

Waxay ka qaateen gabadh ay weerareen gaarigeeda fuihiisa iyo boorso laakiin mar dambe ayaa loo soo ceshay.

Si kastaba ha ahaatee gaarigeedii qudhiisa ayaa laga xaday waqti ay ku maqneyd booliska si ay arinkaa ugu wargaliso.

Dhacdooyinkaa ayaa haatan la baarayaa oo booliska ayaa soo baaraya.

 

Comments are closed