DAAWO Kulan ay yeesheen Maamulka Gobolka Erer iyo Ururka Dhalinyarada Federeshinka Degmada Fiiq

20161112_183151Fiiq (ESTVLIVE.COM) 12/11/2016

Waxaa magaalada Fiiq ee Xarunta gobalka Erer lagu qabtay kulan weyn ay ka soo qeybgaleen ururka federalismka dhalinyarada ee ku nool degmada Fiiq ee xarunta gobalka Erer ayaa kulanka hogaaminayay maamulka Gobolka Erer iyo masuuliyiinta maamulka degmada Fiiq waxeyna u jeeda kulanka ahaa mid lagu sii xoojinayo Dardargalinta howlaha hormarineed ee laga wado degmada Fiiq iyo sidii dhalinyarada dowr muhiim ah uga Qeyb qaadan lahaayeen howlaha hormarka.

Furitaankii kulankaasi ayaa waxaa ugu horayn dhalinyarada ugu xog maramay u jeedada looga hadlayo kulanka hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada gobolka Erer Mudane Guuled maxamed Ismaciil oo dhalinyarada ku booriyay in ay garab istaagaan xukuumada DDSI iyo federalismka.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka degmada Fiiq ahna hogaanka nabadgalyada degmada Fiiq Mudane Axmed C/laahi daahir ayaa sheegay in dhalinyarada degmada Fiiq ay yihiin dhalinyaro dadaal badan markasta garab taagan Xukuumadda iyo Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya wuxuu kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalka ay ugu jiraan taaba galinta howlaha hormarineed ee laga wado degmada Fiiq ee gobolka Erer

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay dhalinyarada Federeshinka degmada Fiiq waxeyna balan qaadeen in ay kaalin mug leh ay ka qaadan doonaan meelmarinta tallaabooyinka howlaha hormarineed ee laga wado degmada Fiiq iyo guud ahaan gobolka Erer

Ugu dambeyntii, kulanada noocan ah ayaa waxaa la qabtaa sadaxdii bilood  mar si loo xoojiyo Ururka Dhalinyarada Federashinka dowrka ay ku leeyihiin horumarka u yaala dalka iyo deegaanka.

 

 

Comments are closed