Arooskii Qarniga Qaybtiisii 2aad Oo Ay Ku Aroosgaleen 27 Aroos (qoys).

2Jigjiga (ESTVLIVE.COM ) 14/11/2016

Waxaa xalay ka dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee haabaanaha  aroos cajiib ah oo lamagac-baxay arooskii qarniga qaybtiisii 2aad oo ay ku lamaanoobeen 27 aroos(qoys).

3Waxaana, arooska qarniga qaybtiisa labaad ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada, agaasinada, shaqaalaha dawlada gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka DDSI, qurba joogta DDSI marti sharaf aad u tiro badan, kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI iyo fanaaniin kale oo uu ka mid yahay fanaanka caanka ah ee Axmed Biif.

1Haddaba, 27kan aroos(qays)   oo ku lamaanoobay nolosha ayaa waxaa laga soo kala xulay dhamaan gobolada deegaanka iyo maamulada magaalooyinka DDSI, taasi oo  lagu soo xulay nidaamka gacantaada isku aroos/ ama habka bakhtiyaanasiibka ah.  dhinaca kale tirada 27kan aroos ayaa  xambaarsan xigmad aad u muhiim ah taasi oo lagu saleeyay 27kii sano ee deegaanka iyo dalkuba ka xoraabay guumaysigii dhiigyo cabkii dhergiga taasi oo caruusyada loo dhiibay lambaro ku salaysan taariikhda  laga soo bilaabo sanadkii 1983TI oo ah xiligii laga takhalusay kalidii taliyihii dhargiga ilaa maanta oo ay taariikhtu tahay 2009TI. 27kaa sano ayaa lagu saleeyay tirada arooska qarniga qaybtiisa 2aad.  Waxaana kharaska ku baxaya arooska qarniga qaybtiisa 2aad bixinaya ururka horumarinta soomalita itoobiya.

5Hadaba, Wajigii hore ee arooskan qarniga qaybtiisa 2 aad  lagu soo bandhigay  hab-dhaqankii hore ee aroosyadii qadiimiga ahaa khaasatan dhanka labiska hidaha iyo dhaqanka iyobooliska iyo maxkamada oo soo kicinayay dadka islamarkaana ku xukumayay su’aalo taariikh ah,  qaadida heesaha, buraankuro iyo furitaanka  hal-xidhaalayaal. Halka qaybtiisii wajigiisii 2aad ee arooska qarniga qaybtiisa labaad lagu soo bandhigay habka casriga ah ee aroosyada taasi oo dhamaan caruusyada loo soo loo labisay labiska casriga ah , faraanti-galiskii, jaridii keega iyo waliba cayaaraha qoob-ka cayaarka.

Qaybtii ugu danbaysan arooskan qarniga waxaa loo dhigay 27kii aroos(qays) warqado bakhtiyaa nasiib ah oo ay ku qoranyihii wadamada iyo goobaha ay ku todobaxayaan((honeymoon) taasi oo arooskasdaaba qaadanayay nasiibkiisa meesha u soo baxda dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,

Comments are closed