DAAWO USA: Trump oo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada iyo Lataliyihiisa – VIDEO

2016416635963720309382705murashax_donald_trump_nacayb_660Mareykanka (NN) 14/11/2016

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay Xubnihii ugu horeeyey ee xukuumadiisa, isagoo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada iyo Lataliyihiisa dhanka Siyaasada.

Trump ayaa Agaasimaha Madaxtooyada u magacaabaya Guddoomiyaha Xisbigiisa Jamhuuriga ee Reince Priebus, ninkan oo kamid ah siyaasiyiinta Jamhuuriga ee horey looga yiqiinay Washington ayaa ah nin si weyn ugu dhow Afhayeenka Baarlamaanka Maraykanka ee Paul Ryan, waxaana magacaabistiisa loo arkaa mid uu Trump ku qancinayo xubnaha ka tirsan Xisbigiisa ee kasoo horjeeday xiligii uu ku jiray ololaha doorashada.

Reince Priebus ayaa xiligii ololaha doorashada ka gaabsaday inuu cambaareeyo Donald Trump, xiligaasi oo uu Trump cadaadiska kala kulmayey Kaadiriinta xisbiga Jamhuuriga ee uu uga guuleystay Murashaxnimada xisbigaasi.

Stephen Bannon

Stephen Bannon

Dhinaca kale Trump ayaa Lataliyihiisa u magacaabay Stephen Bannon oo isagu ka tirsanaa hogaanka Guddigii ololaha doorashada ee Donald Trump. Ninkan ayaa si weyn uga soo horjeeday kaadiriinta xisbiga Jamhuuriga, isla markaana kamid ah xubnaha lagu tilmaamo cunsuriyiinta Cadaanka Maraykanka ee xagjirka ah, magacaabida Bannon ayaa u muuqata in iyadana lagu qancinayo taageerayaasha xagjirka ah ee garabka Midig oo si weyn u taageeray Trump xiligii uu ku jiray ololaha doorashada.

Comments are closed