Jaaliyadda DDSI Ee Germany Ayaa Taageeray Shirweynihii 9aad ee XDSHSI Maraacaato lagu Qabatay
Germany (ESTVLIVE.COM) 15/11/2016
Jaaliyadda DDSI Ee Dalka Jarmalka ayaa Xaflad balaadhan ku qabatay Magaalada Frankfurt oo ay ka soo Qeybgaleen Dhamaan Hogaaminta Jaaliyadda DDSI iyo Taageerayaasha Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya iyo martisharaf kaladuwan.
Xafladdan balaadhan ayaa lagu Taageerayay Shirweynihii 9aad ee Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya ee lagu qabtay Tuulada Maraacaato oo ka Tirsan Degmada Qabridahare ee xarunta gobolka Qoraxey islamarkaana Jaaliyadda DDSI ee Germany ayaa Taageeray dhamaan Go’aamadii ka soo baxay shirka islamarkaana Taageeray dhamaan Mas’uuliintii halkaa lagu doortay 47-ka Xubnood ee Golaha dhexe ee XDSHSI iyo 15-ka Gudiga Fulinta ee XDSHSI
Hoggaaminta Jaaliyadda DDSI Ee Germany ayaa ka warbixiyay Taariikhdii Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya iyo waxqabkiisa islamarkaana ay ku taageereen ay tahay Xisbiga ayaa isku xidhay Qurbajoogta DDSI iyo Xukuumadda DDSI dal iyo dibad islamarkaana Xisbiga ayaa deegaanka ka hirgaliyay nabadgalyada, Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Wadooyinka, Buundooyin.
Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya guulaha waawayn ee sanadihii ugu danbeeyay deegaanka ku soo kordhiyay ayaa ah mid la taaban karo oo muqata islamarkaana guud ahaan deegaanka laga hirgaliyay barnaamijka Xoola-dhaqato beeralay taaso dhamaan reer Guuraaga ay ka faa’iideysteen Jaaliyadda DDSI Ee dalka Jarmalka ayaa taageeray Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya
Ugu dambeyntii, Xaflada ayaa waxey ku soo gabagaboobday Guul iyo farxad Jaaliyadda DDSI Ee ayaa balaadhan qaaday in markasta ay garab taagan yihiin dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Comments are closed