Maxkamad Mareykan ah oo dhallinyaro xiriir argagaxisonimo qirtay xukuntay

20161114636147316778354586dacishlinked-photoMareykanka (NN) 114/11/2016

Maxkamad kutaala Mareyknak ayaa labo wiil oo Soomaali ah oo in muddo ahba lagu heystay in ay xiriir la leeyihiin Daacish xukuno kala duwan ku riday.

Labada wiil ee la xukumay ayaa waxaa la kala yiraahdaa Cabdullaahi Yuusuf iyo Cabdirizaaq Warsame.

Cabdirizaaq Warsame waxaa lagu xukumay 30 bilood oo jeel ah halka Cabdullaahi Yuusuf  lagu xakumay hal sano oo xabsi guri ah iyo 20 sano oo lala socoanyo dhaqdhaqaaqiisa.

Lix dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa dhawaan la xukumi doonaa iyada oo laba maahee inta kale ay qirteen in ay ku lug lahaayeen dambiyada lagu soo eedeeyay.

Cabdullaahi Yuusuf-mid ka mid ah wiilasha la xukumay weeye


War murtiyeed uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Andrew M. Luger ayuu ku xusay in ay habboon tahay in lasii wado dhaqan celinta dadka afkaarta khaldan qaata.

‘Shaqada adag ee dhaqan celinta dadka doondoona afkaarta rabshada miiran ah waa inay sii socoto’.

Wuxuu sidoo kale kumuujiyay in garsooraha xukunka ku riday eedeysaneyaashaa oo lagu magacaabo Davis uu garowsaday xaqiiqda arinka.

‘Garsoore Davis wuxuu garowsaday xaqiiqda maanta asagoo ku riday xukun Cabdullaahi Yuusuf kaasoo u saamaxaya inuu dhaqan celinta sii wato’.

Wuxuu kaloo xeer ilaaliyahu uga mahad naqay Cabdullaahi Yuusu sidii uu ugu hoggaansamay awaamiirta intii hannaanka dacdu soo socday.

 

Comments are closed