Shir Lagu Qiimaynayey Waxqabadka Magaalooyinka Deegaanada Ay taageerada gaarka ah Siiso JDFI oo ka furmay jigjiga.
JIGJIGA (ESTVLIVE.COM) 1711/2016
Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan shirkii qiimaynta waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay ee sectorka horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha ee deegaanada ay taageerada gaarka ah ka hela JDFI. Deegaanadaasi oo kala ah deegaanka somalida itoobiya, Canfarta, Benishaangulka iyo deegaanka Gambeela.
Waxaana, ka soo qaybgalay shirkaasi masuuliyiin ay ka mid yihiin afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSImudane maxamedrashiid isaaq madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinkadhismaha iyo warshadaha DDSImudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, masuuliyiinta xafiisyada horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha afartaasi deegaan iyo masuuliyiinta maamulada magaalooyinka DDSI.
Waxaana furitaankii shirkan ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSImudane Maxamedrashiid Isaaq oo ugu horayntii si diiran ugu soo dhaweeya xarunta deegaanka masuuliyiinta iyo martidii ka soo qaybgashay shirkan isaga oo sheegay in shirkan qiimaynta ah mudada uu socto diirada lagu saaridoono waxqabadkii sectarka horumarinta magaalooyinku deegaanadani ee 6dii bilood ee la soo dhaafay. Afhayeenaka golaha xildhibaanada DDSI oo xusay in shirkan qiimaynta oo 6dii biloodba mar lagu qabto mid ka mid ah deegaanadan kana soo baxaan qorshayaal lagu xoojiyo horumarinta magaalooyinka deegaanadan. dhinaca afhayeenka ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya guulo waawayn ka soo hooyay sanadihii ugu danbeeyay dhinaca horumarinta magaalooyinka DDSI, kor u qaadida bilicda iyo baaxada magaalooyinka DDSI, abuurida fursado shaqo , aas aasida iskaashatooyin iyo kobcinta awooda. wuxuuna tilmaamay afhayeenku in DDSI sii xoojinayo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee magaalooyinka DDSI.
shirkan qiimaynta ah ayaa muddadii uu socday waxay deegaanadu ku soo bandhigidoonaan warbixinta waxqabadkoodii, waxyaabihii ay hormuudka ku noqdeen/ ku dayashada mudnaa iyo meelaha ay goldaloolada ka jirtay. Nasiib wanaag waxaa xusid mudan in shirkan qiimaynta ah, deegaankeena lagu qabtay ay isku soo beegmeen shirwaynihii 12aad ee heer qaran ee sectarka horumarinta magaalooyinka deegaanada dalka iyo 2da maamul magaalo oo maalinta barito ah ka furmaya magaalada jigjiga.
Comments are closed