DAAWO Gargaar Raashin oo la gaarsiiyey dadkii kasoo qaxay Qandala – VIDEO

garQandala (NN) 18/11/2016

Dowlada Puntland iyo hay’adaha Samafalka ayaa deeq raashin gaarsiiyey deegaanka Buruc ee gobalka Bari oo ay ku sugan yihiin dadkii kasoo ka baro-kacay magaalada Qandala oo ay dhawaan gaareen kooxo ka tirsan Daacish.

Inta badan shacabkii ku noolaa degmada Qandala ayaa isaga baxay halkaasi iyagoo intooda badan gaaray deegaanka Buruc oo dhinaca Galbeed uga beegan magaalada Qandala.

Deegaanka Buruc ee xeebta saaran ayaa waxaa hada ka socda dadaalo lagu caawinayo dadkaasi baro-kacayaasha ah.

Deegaanka Qandala ee gobalka Bari ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqa ay wadaan ciidamada dowlada Puntland iyo koox ka tirsan Daacish oo la sheegay inay hada ku sugan yihiin buuraha ku hareeraysan magaalada Qandala.

Comments are closed