DAAWO USA: Madaxii Hay’adaha Sirdoonka Maraykanka oo iscasilay – VIDEO

usaMareykanka (NN) 18/11/2016

James Clapper oo ahaa Agaasimaha Guud ee dhamaan hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa xilkii iska casilay.

Agaasimahan oo uu xilka u magacaabay Madaxweynaha xilka ka degaya ee Barack Obama ayaa ahaa madaxa guud ee hay’ado gaaraya 17 oo ah kuwa Amniga iyo sirdoonka Maraykanka oo ay ku jiraan CIA, FBI iyo NSA.

Mr.Clapper ayaa bartiisa twitterka ku qoray inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu shaqada ka tago kahor inta uusan xilka la wareegin Madaxweynaha Cusub Donald Trump.

Madaxweynaha xilka la wareegi doona Donald Trump ayaa laga sugayaa in marka ay dhacdo xil wareejinta bartamaha bisha Janaayo ee sanadka soo socda, inuu markaasi dad cusub u magacaabo xilal gaaraya afar kun (4000) jago oo kamid ah hay’adaha kala duwan ee Xukuumada Maraykanka.

Comments are closed