Kursigan ayaa la sheegay in ay ku tartamayeen ilaa saddex musharax oo uu ka mid yahay wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaradaha dowladda federaalka Soomaaliya Max’ed Xassan Nuux oo iska horimaadkan dhacay qeyb ka ahaayeen ciidamadiisa.
Waxaa sidoo kale dhinicooda bilaabay in ay is difaacaan ilaalida xarunta, taasoo keentay in siweyn looga wadda maqlo rasaasta guud ahaanba xaafaddaha degmada ka kooban tahay.
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka ka dhacay Jowhar, hasse ahaatee waxaa ay qal qal weyn ku abuurtay ergadii ku sugneyd gudaha xarunta doorashada, kuwaa oo goobta ku kala cararay.
Inta badan xubnaha ku loolamaya kuraasta aqalka hoose ayaa u badan mas’uuliyiin xilal ka haya dowladda federaalka, kuwaa oo goobta doorashada la taga ciidammo aad u hubeysay oo mar marka qaar cabsi ku abuura dadka rayidka ah iyo ergada intaba.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…
Comments are closed