Shacabka degmada Xamaro ayaa soo dhaweeyay arooskii qarniga qaybtiisii 2aad oo ay ku lamaanoobeen 27 aroos (qoys) wafdgan arooska ah ayaa waxaa hogaaminaya Masuuliyiinta Gobolka Erer uu horkacayo Gudoomiyha Goboka Erer Mudane Axmed Xaaji.
Waxaa si diiran u soo dhaweeyay Masuuliyiinta degmada Xamaro uu horkacayo Gudoomyha Degmada Xamaro oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wafdigan arooska ah oo ay goaansadeen in ay deegaankooda u soo dalxiis tagaan islamarkaana ay tahay mid taariikhi ah oo ku dayasho mudan.
Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa wuxuu ka mid noqday deegaan dib u soo nooleeya dhaqankii soo jiraanka ahaa islamarkaana dib xasuus lama ilaawaan ku raaba dhalinyarta cuslaatay waayo waayo
Ugu dambeyntii, Wafdigan arooska ayaa booqon doona degmooyin kala duwan waxaan dib idinka soo gudbin doonaa wararka dambe hadii alle ogalaada
Comments are closed