Tababar Loo Qabtay Iskaashatooyinka Caanaha Ee Degamada Koonfurta Jigjiga

fadimoJigjiga (ESTVLIVE.COM) 18/11/2016

Tababar uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo xoolaha ee degmada koonfurta jigjiga islamarkaana ujeedadiisu tahay kobcinta garaadka aqoomeed ee iskaashatooyinka caanaha ee kadhisan centerada camadhle, Hare, Baladka, Xaadaw iyo Daadhi ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

dds1Hadaba, furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay madaxa xafiiska Horumarinta beeraha iyo xoolaha ee degmada koonfurta jigjiga marwo Faadumo Nuur Barkhadle oo sheegtay in tababarkani wax wayn ku soo kordhin doonta silsilada xoojinta tayada waxsoosaarka xoolaha islamarkaana door fiican kaqaadan doona dhinaca garaadka aqoomeed ee iskaashatooyinka caanaha. Waxayna ku boorisay kaqaybgalayaasha in inta uu socdo tababrku sifaacan looga faaiidaysto casharada.

ddsiSidookale waxaa isna tababarkan kahadlay khabiirka waxsoosaarka xoolaha mudane ayaanle xasan oo sheegay in ujeedada tababarku tahay mid lagu baranayo casharo laxidhiidha tayada waxsoosaarka xoolaha. wuxuuna xusay khabiirku in tababakan loo qabtay iskaashatooyinka ku dhaqan centerada camadhle, Hare, Baladka, Xaadaw iyo Daadhi. Isagoo carabka kudhuftay in dhamaan centaradan ay yihiin meelaha uu kahawlagalo Mashruuca horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha ee looyaqaano (DRS)

Sikastaba ha haatee, tababarkan oo ay casharada bixinayaan khabiiro kasocda xafiiska ayaa socon doona mudo shan maalmood ah.

Comments are closed