Ciidamada AMISOM oo sheegay inay dileen 6 dabley ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab

amison20130729_1Buula-gaduud (NN) 19/11/2016

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay dileen 6 dabley ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay sheegeen inay hawl gal ku dileen dableydaa ayagoo kaashanaayay ciidamada dawlada Soomaaliya ee SNA. Shalay Jimcihii ayaa AMISOM ay shegeen inay dileen dableydaa meel u jirta 35km Kismaayo.

AMISOM waxay sidoo kale sheegeen inay la wareegeen deegaan halkaa ku yaal.

Afhayeenka AMISOM Joe Kibet ayaa wakaalada wararka ee Xinhua u sheegay inay ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaanka Buula-gaduud.

Wuxuu intaa ku daray in hub ay ka qabsadeen xarakada Al-Shabaab. Wuxuu raaciyay in wax khasaare ah uusan AMISOM soo gaarin intii hawlgalku socday.

Xarakada Al-Shabaab durba arinkaa kama aysan hadlin.

Comments are closed