Kumaankun qof oo ku mudaaharaadey Raysalwasaaraha Malaysia

mudaharadMalaysia (NN) 19/11/2016

Kumaankun qof oo ku labisan dhar huruud ah ayaa banaanbax weyn ka dhigay xarunta dalka Malaysia ee Kuala Lumpur, dadkan ayaa dalabanaya in raysalwasaare Najib Razaks uu xilka isaga dego, taas oo daba joogta fadeexad Sanduukha maalgelinta ee 1MDB oo ah hay’ad Dowladda hoostagta laga dhacay lacago aad u badan, fadeexadda ayaa waxaa jilaaga ugu weyni ahaa Raysalwasaaraha sida ay tilmaantey warbixino laga diyaariyey.
Waa markii labaad muddo 15 bilood ah oo ururka u dhaq-dhaqaaqa is-beddelka ee Bersih ay soo abaabulaan mudaaharaad ka dhan ah Raysalwasaaraha.

Waxaa lagu wadaa in isla maanta uu dhaco mudaaaharaad kale oo ay dhigaan kooxaha taageersan Xukuumadda.

Hay’adda fadeexaddu ka dhalatey waxaa asaasey Raysalwasaaraha. Dowladdo badan ayaa baaritaan ku haya Sanduukha maalgelineed ee 1MDB, waxaana Wasaaradad caddaaladda ee Maraykanku sheegtey in $3.5 billyan laga qaatey sanduukha maaligelinta ee 1MDB.

Raysalwasaaraha Malaysia Najib Rasak ayaa diidey dhamaan eedaymaha loo jeediyey, waxaana uu joojiyey baaritaan Malaysia ay wadey oo ku aadan fadeexadda.

Comments are closed