Xafiiska Ganacsiga Iyo Gadiidka DDSI Oo Kulan Wacyigalin Ah U Qabtay Shacabka MM Wajaale

wajaaleWajaale (NN) 19/11/2016

Shir uu soo agaasimay xafiiska ganacsiga iyo gadiidka DDSI islamarkaana diirada lagu saarayay la dagaalanka ganacsiga sharcidarada ah oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta MM wajaale, laanta jibriga mm wajaale, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qabsoomay mm wajaale.

wej04Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madax kooxeedka kormeerka iyo dabagalaka xafiiska ganacsiga iyo gadiidka mudane Cabdulaahi Qorane Maxamed oo sheegay in ganacsiga sharcidarada ah uu lid ku yahay horumarka dalka iyo deegaanka tasoo shacabka looga baahanyahay inay la dagaalamaan ganacsiga sharci darada ah kaalintooda kaga aadan, Wuxuuna intaa ku daray in ganacsiga sharci darada ahi uu dhibaatooyin badan ku hayo dalka iyo deegaankaba islamarkaana loo bahanyahay in si wada jir ah loola wada dagaalamo.

Sidoo kale waxaa iyana dhankeeda ka hadashay kusimaha maayorka mm wajaale ahna madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha marwo Ayaan Aadan Cismaan oo sheegtay in guulaha lagasoo hoyiyay ladagaalanka ganacsiga sharcidarada ah ay ku timid iskaashiga shacabka xukuumada iyo laanta jibriga.

Ugu danbayna waxaa kulnaka ka hadlay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan mm wajaale oo sheegay inay diyaar u yihiin sidii loola wada dagaalami lahaa ganacsiga sharci darada ah islamarkaana ay kaalintooda kaga aadan ka qaybqaadan doonaan

Comments are closed