Donald Trump oo la kulmey ninkii ugu canbaareynta badnaa xiligii doorashada Romney -Video

trumpMareykanka (NN) 20/11/2016

Madaxweynaha la doortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la kulmey Mitt Romney oo kamid ahaa ragga awooda ku lahaa Xisbiga Jamhuuriga waxa uu horey u so noqdey Musharixii la tartamey Barack Obama sanadkii 2012, sidoo kale waxa u muddo dheer ahaa Barasaabka gobolka Massachusetts.
Kulanka Trump iyo Romney ayaa ka dhacay guri uu Trump ku lee yahay gobolka New Jersey. Kulanka ayaa qaatey halsaac iyo 20 daqiiqo.

Kadib markii kulanku dhamaadey ayaa Mitt Romney waxaa alabaabka ku sii dhaweeyey madaxweynaha la doortey Donald Trump waxaana uu saxaafadda ugu qayliyey isaga oo gacmiisa afka ku dhaweynaya si fiican ayey noogu dhamaatey.

Mitt Romney oo saxaafadda la hadley laakiin aan ka jawaabin su’aalo ayaa sheegay in ay madaxweynaha la doortey kawada hadleen arrimo badan oo ay kamid ahaayeen rrimaha dibadda iyo maamulka la dhisaayo.

Waxaa jira warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in ay dhici karto in Trump u magacaabo Mitt Romney wasiirka arrimaha dibadda, taas oo isu soo dhaweyn karta Trump iyo siyaasiyiintii hoggaamineysey kacdoonkii Trump looga soo horjeedey ee #NEVERTRUMP.

Mitt Romney ayaa ahaa dhawaaqa ugu dheer ee #NEVERTRUMP, waxaana uu bishii Maarso bilowgii doorashada is-reebreebka uu jeediyey khudbad dheer oo ku boorinaayo Jamhuuriyiintu in ay doortaan qof aan ahayn Trump, wuxuu ku tilmaamey, Khaa’in, Beenlow iyo qof aan la aamini karin.

Comments are closed