Hanti dhawraha qaranka: doorashada Soomaaliya ma saxna

2016112063615199617755446120161120636151980789464243xilhhiMuqdisho (NN) 20/11/201615174570_1846223148988727_1652496722_n

Hanti dhawraha qaranka ayaa warbaahinta u sheegay in doorashada Soomaaliya aysan si sax ah u socon.

Hanti dhawraha qaranka Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in laaluush codadka lagu kala gadanaayo. Wuxuu sidoo kale Mr. Nuur Jimcaale sheegay in caga jugleyn iyo rabsho kujirto doorashada.

Wuxuu sheegay in codeeyeyaashu u codeynayaan qofkii qarashka ugu badan bixinaya.

“Codadka qaarkood waxaa lagu iibsaday $5,000, qaar $10,000, qaarna $20,000 ama $30,000. Laakiin kuraasta oo dhan isku mid ma ahan. Qaar saameyn weyn ayay leeyihiin oo murashaxiin badan ayaa ku loolamaya.” Sidaa ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in 2 kursi kiiba murashaxiinta ku guuleysanaya ay ugu kacayaan $1.3 milyan kiiba.

Wuxuu sheegay in xafiiskiisu diiwaan gashay in mid kuraastaa ka mid ah uu ku guuleystay murashax kasoo galay Galmudug midka kalena murashax kasoo galay Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in wafuuda loo hanjabay oo dabadeed qaar shaqada ay ka baaqdeen kadib markii ay cabsadeen.

Wuxuu sheegay in qaarkood laga hor joogsaday hoolasha doorashada halka dad kale ay magacyadooda ku codeeyeen!

Comments are closed