Angela Merkel oo mar afaraad dooneyso hogaamiyaha Garmalka

merkelGermany (NN) 21/11/2016

Hogaamiyaha dalka Garmalka Angela Merkel ayaa saraakiil saresare oo katirsan xisbiga ay ka tirsantahay ee Conservative.ka u sheegtay in mar afaraad ay u tartami doonto xilka madaxtinimada dalka Germalka ee Chancelor.ka , Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TP. Mrs Merkel ayaa la filalayaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo qorshahani.

Angela Merkel ayaa doorashada guud ee dalkaasi ka dhici doonta sanadka dambe waxaa la loolami doona gabadha hogaamiso xisbiga alternive fuer duestchland oo ah xisbi si aad ah uga soo horjeedo Musliminta .

Inkasto aad loo dhaleceeyay siyaasada Angela Merkel ee ku aadan qaxootiga , hadana wali waxaa ay heysataa shacbiyad balaaran .

Waxaana doorashadan la filayaa in ay noqoto mid ka duwan kuwii hore , Madama wadanka Germalka iyo guud ahaan qaarada Yurub ay dhibaato ka heysato dadka soogalootiga .

XIGASHO BBC

Comments are closed