Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Puntland oo is-casiley

kismaayoGaroowe (NN) 21/11/2016

Guddoomiyihii Guddiga kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) ayaa maanta ku dhawaaqey in uu iska casiley xilkii Guddoomiyinimada iyo weliba xubinimada guddiga kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.

Axmed Maxamed Cali ayaa sheegay in warqadii uu isku casiley u gudbiyey Madaxweynaha oo uu ka aqbaley is-casilaadiisa, sidoo kale waxa uu ku qoray barta uu facebookulee yahay.

Go’aankiisa is-casilaadda ayuu ku sheegay in uu yahay mid shakhsiyadeed oo ku yimid duruuf u gaar ah.

axmed

Axmed Kismaayo ayaa xilka loo dhaariyey 25 Abril 2016, markaas oo guddigu u doorteen in u noqdo Guddmiyaha kumeelgaarka ah.

Guddiga doorashooyinka oo ka kooban 9 xubnood iyo xoghaye, ayaa waxaa soo magacaabey Madaxweynaha Puntland iyo Afhayeenka Baarlamaanka, waxaana ansixiyey Golaha Wakiilada.

Magacaabidda guddiga ayaa si weyn dib uga dhacdey ballanqaadkii Madaxweynaha sidoo kale waxaa dib u dhacay dhamaan tageeradii beesha caalamku u ballan qaadey arrimaha dimoqraadiyadda Puntland ay la dhaaftey 2014 iyo 2015.

Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland ayaa la daahfurey bishii Oktoobar 2016, khudbadi uu ka jeediyey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli ayaa ka soo qaybgalayaashii ku ridey niyad-jab kadib markii Madaxweynuhu is-weydiiyey in nidaamku hirgeli karo iyo in kale, isaga oo horey ugu xirey guusha maamulkiisa sida uu u hirgeliyo doorasho dadweyne.

Daahfurkii nidaamka Xisbiyada ayaa lagu sheegay in ay ugu horeyn doonto Wacyigelin iyo Baraarujin Baahsan ee loo sameeyo Bulshada PL: Nofeebar – 20 Diseembar, 2016, taas oo aan weli bilaaban. Waxaana aan gebi ahaanba socon shaqada guddiga doorashooyinka Puntland.

Sida uu qabo xeerka guddiga doorshooyinka, waxaa hawsha sii wadayo kuxigeenka Guddiga doorashooinka Maxamuud Soofe Xasan, waxaana Madaxweynaha Puntland looga fadhiyaa in uu soo magacaabo xubintii beddeli lahayd Axmed Kimaayo, taas oo aan la ogeyn muddada ay qaadan karto.

Comments are closed