Hadaba, shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Guuleed Ow Cali Kaahin oo sheegay inuu shirkani yahay shikii qiimayta 6 biloodlaha ahaa kasoo lagu qiimaynayo mashriicihii uu mashruucu fulinayay sida uu qabsoomay iyo hadii uuna qabsoomin sababta uu u qabsoomi waayay.
Sidookale, waxaa isna dhankiisa ka hadlay Agaasinka waaxada damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay inuu shirkani yahay qiimayntii 6dii bilood ee lasoo dhaafay oo kala ah rubicii 4aad ee sanadii 2008TI iyo rubicii 1aad ee sanadan 2009TI, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in qiimayntan kuwii hore kaga duwantahay iyadoo mashruucu uu raashinkii ka faaiidaysta yaasha lasiin jiray uu ubadalay lacag islamarkaana rubicii 1aad ee sanadan siday ahayd loo wada siiyay kafaaiidaysta yaasha mashruuca PSNP wajigiisa 4aad.Dhanka kale waxaa isna si qota dheer usoo jeediyay waxqabadka mashruuca PSNP iskuxidhaha mashruuca PSNP ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga mudane AxmedNuur Cabdi oo si faahfaahsan usoo jeediyay waxqabadkii 6 bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuuna intaa ku daray inuu shirku socondoona muda 5 cisho ah.
Comments are closed