Wadada Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyey mudo ka badan 26 sanno kadib

Muqdisho (NN) 21/11/2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xarigga ka jiray Wadada Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyey muda ka badan 26 sanno ka dib.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Yusuf Xuseen Jimaale ayaa sheegay in dib u dhiskaan lagu sameeyey wadada Shaqaalaha ay ka qeyb ka tahay baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ahaa dalkaaga dhiso.

“Guul badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso , waddooyin badan iyo dhsmayaal xarumo dowladdaha hoose ah ayaa dib loogu dhisay . Wadada Shaqaalaha ee aan maanta fureyno waxaa lagu dhisay canshuurta laga qaaday shacabka. Dhammaan dhismooyinka socda ee waddooyinka waxay qeyb ka yihiin kaabayaasha dhaqaaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa baaq u diray maamullada ka jira gobollada dalka “Dadka Soomaaaliyeed ee ku nool gobollada dalka waa in ay billaabaan mashruucaan oo kale ee lagu dhisayo waddooyin dalka si , dhaqaalaha dalku u sii xoogeysto”

Ugu dameyntii, Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey umadda Soomaaliyeed sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada qorashayaasha dowladda ay dib ugu dhiseeyso dalka, iyada oo la isku tashanayo si looga maarmo kaalmo shisheeeye.

Comments are closed