Xaaska TRUMP oo aan u guureyn Aqalka Cad

xaka-trumpMareykanka (NN) 21/11/2016

Xaaska Madaxweynaha la doortey ee dalka Maraykanka Donald Trump iyo wiilkeeda Barron Trump ayaan si toos ah ugu guureyn Aqalka Cad ee Washington, sida ay sameyn jireen haweenka Madaxweynayaasha Maraykanka, sidaas waxaa Washington Post u xaqiijisey Melanie Trump.

Melanie Trump ayaa wiilkeedu yahay 10 sano jir, waxaana uu u baahanan yahay in uu beddesho Iskoolkiisa haddii uu u guuro Aqalka Cad, waxaana uu hadda dhigtaa Iskool si gaar ah loo lee yahay Upper West Site ee Manhattan magaalada New York. Melanie ayaa sheegtey in marka uu iskoolkiisa dhamaysto ay gurayaan Aqalka Cad.

Ol-olihii doorashada ayaa la sheegayaa in ay wiilka Trump ee 10 sano jirka ah ku ahayd xaalad adag oo u weli xasuusan yahay, waxaana Melanie ay u diideysaa in si toos ah uu ugu guuro Aqalka Cad, sida ay xogta ku heshay New York Post. Xog kale ayaa sheegaysa in Melanie Trump ay tegeyso Aqalka Cad markii ay baahi jirto.

Melanie Trump ayaa noqoneysa haweeneydii labaad ee aan u dhalan dalka Mraykanka ee noqota Marwada kowaad, waxaana ay ka soo jeedaa alka Slovenia.

Comments are closed