Waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI kulan loo qabtay hormuudkii laga soo kala xulay degmooyinka deegaanka kuwaasi oo ay tiradoodu dhantahay 255 xubnood oo hore nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah ugu soo qaatay warqadii ay hogaaminta degmooyinka kaga mid noqdeen.
Waxaana loo dhigay warqadaha bakhtiyaa nasiibka ah si uu shaqsi waliba u qaado warqadiisa magacaabista ah iyada oo xubin kasta ku qaatay gacantiisa warqada magacaabista ah oo ay ku qorantahay degmada uu ku qora yahay iyo xafiiska uu masuulka ka noqday. Xubanaha maanta bakhtiyaa nasiibka gacantooda ku qaatay warqada magacaabista ah ayaa waxay mudo 6 bilood ah tababar uga socday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI iyada oo mudadaasi la barayay nidaamka xigmada hogaamineed ee degmooyika nidaamka dajinta iyo fulinta qorshayaasha horumarineed iyo guud ahaanba nidaamka shaqo ee degmooyinka deegaanka.
Waxaa kale oo xusid mudan in ay xubnahan nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah/gacantaada isku magacawga ku qaatay maanta warqada magaacaabista ah ayaa waxay ka mid ahaayeen ardaydii ay xukuumada DDSI hal mar ku shaqaalaysiisay nidaamka bakhtiyaa nasiibka laguna qoray degmooyinka deegaanka kuwaasi oo ka soo shaqeeyay goobtii shaqo ee nasiibka ku qaateen, ka dib markii ay muujiyeen shaqo wanaag ayaa hormuud ahaan looga soo xulay degmooyinka deegaanka iyada oo marlabaadna nidaamka bakhiyaanasiibka ah ku noqday hogmaaminta degmooyinka halka markii 3aad maanta ay ku qaateen gacantooda warqada magacaabista ah iyada oo ay maanta 255 xubnood ay ka mid noqdeen madax xafiiseedyada xafiisyada degmooyinka deegaanka gaar ahaan degmooyinkii iyo maamul magaalooyinkii cusbaa.
Ugu danbayna waxaa dareen kooda ka hadlay qaar kamid ah xubnihii hogaaminta degmooyinka ee bakhtiyaa nasiibka ku qaatay warqada magacaabista ah waxayna oo sheegay inay aad iyo aad ugu farxasanyihiin bakhtiyaa nasiibka loo dhigay taas oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan kana reebantahay eex iyo nin jeclaysi. Waxayna intaa ku dareen in ay masuuliyadan maata loo igmaday ay si xilkasnimo iyo fir-fircooni ku dheehantahay uga soo baxayaan.
Comments are closed