Dhinace kale, Afjahayeenka gobolka Banaadir cabdifataax cumar Xalane oo la hadlay warbaainta ayaa sheegay in sarkaal la dilay uu ka mid ahaa saraakiil si gaar ah ay Dowladda Imaraadku u soo tababareen
“ Qaraxu wuxuu ahaa mid lagu soo xiray baabuurka oo lagu bartlimaameedsanayay sarkaalkaas oo isla goobta ku dhintay, waxaa kaloo ku dhaawacmay saddex askari oo kale “ ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay in ciidamadda Ammaanku ay bilaabeen inay baaritaan ku sameeyaan qaraxa, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay fuliyaan ama ka dambeeyeen Qaraxa muqdisho ee Maanta
Dowladda Isu-taga Imaraadka Carabta waxay ka mid tahay wadamada ka caawiya dowladda Federaalka soomaaliya iyo maamuladda kale ka jira dalka , dhismaha ciidamadda amniga iyo mashaariicda kale ee horumarineed.
Comments are closed