DAAWO IRAQ: Daacish oo sheegatay weeraradii ay ku dhinteen 100 qof oo shiico ah – VIDEO

ciraaqCiraaq (NN) 25/11/2016

Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerar galinkii danbe shalay oo ahayd Khamiis ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Baqdaad.

Weerarkan ayaa lala beegsaday Gawaari basas ah oo taagnaa goob shidaal ay ka qaadanayeen, waxayna basaskan wadeen dad shiico ah oo intooda badan ka yimid IRAN. Shiicadan ayaa dib uga soo noqday xuska Shiicada ku qabato magaalada Karbala.

Tirada dhimashada ayaa lagu soo waramayaa inay kor u dhaafeyso 100 qof, waana weerarkii ugu weynaa oo in muddo ah ka dhaca koonfurta wadanka Ciraaq.

Daacish oo xiligan cadaadis ka heysto duulaanka ku hareeraysan magaalada saldhigooda ah ee Mosul, ayaa sheegtay in weerarkan ay ku muujineyso inay weli awood ulleedahay inay weeraro noocaan ah ka geysato dhulka ay ku badan yihiin dadka Shiicada ah.

Comments are closed