17-Qof dhimasho 30-kale dhaawac Qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho

muqdishoMuqdisho (NN) 26/11/2016

Ugu yaraan 17-qof ayaa ku Geeriyooday, Tiro 30-qof ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib qarax Baabuur oo maanta ka dhacay Koontarool ku dhaw Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaway waddo laga galo garoonka weyn ee Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Goob-joogayaal, ayaa sheegay inay arkeen Meydadka dhawr qofood oo goobtii uu Qaraxu ka dhacay yaalla, kuwaasoo intooda badan ahaa shacab,

waxaana dadka qaarkood ay intaas ku dareen in dhaawacyada iyo maydadku ay isku darsameen. Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Waaberi ayaa warbaahinta u sheegay in intii Qaraxu uusan dhicin uu waddadaas maray madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Xarigga ka jaray Kulliyada Sayniska ee Jaamacadda Ummadda oo dhawaan laga Hir-geliyay Agagaaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay, ayaa sheegay in ruuxii gaariga Qarxay meesha dhigay lagu dhigay gacanta, isagoo yiri. “Ruuxii baabuurka qarxay dhigay goobta uu ku qarxay gacanta ayaa lagu dhigay, Askarigii qabanayay xitaa bir ayuu madaxa uga dhuftay.” Dhaawacyada in ka badan 30-ruux ayaa waxaa Goobtaas ka qaaday Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee Ambulance-ga, kuwaasoo u badnaa shacab, wuxuuna Qaraxaani Geystay burbur xooggan.

Weerarrada noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab, balse weli Al-shabaab kama aysan hadlin Weerarkan Khasaaraha faraha badan uu ka dhashay ee maanta ka dhacay Muqdisho. Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ayaa ku sheegay khudbad uu Goobta uu xarigga ka jaray ka jeediyay ku sheegay in ruuxii Qaraxa khasaaraha badan geystay lagu dhigay gacanta, isagoo ku baaqay in gacan laga geysto sugidda Ammaanka Guud ee Dalka. Al-shabaab ayaa horay Qaraxyo waa-weyn uga geystay Muqdisho,

Inkastoo aysan sheegin inay Qaraxan mas’uul ka yihiin iyo in kale, Iyadoo Qaraxaan uu u muuqday mid si Gaar ah loola beegsanayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh. Ugu dambeyntii, Weerarka maanta ka dhacay Muqdisho ayaa imaanayaa xilli lagu wado in Muqdisho lagu qabto doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobollada Waqooyiga Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.

Comments are closed