Jigjiga (ESTVLIVE.COM) 26/11/2016
Hadaba furitaankii munaasabada ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Guuleed Ow Cali Kaahin oo sheegay inuu mashruucani yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana lagu xaqiijinayo saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshadii qaabishay kuwaas oo kala ah, Afarta degmo ee Boqomayo, Awbare, Qabribayax, iyo Dolo adow, Wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa ku daray inuu xafiisku diyaariyay shaqaalihii degmooyinka ka howl gali lahaa mashruuca islamarkaana wixii maanta ka danbeeya uu shaqadiisa bilaabi doono.
Sidoo kale waxaa isana munaasabada ka hadlay agaasinka taageerada gaarka ah ee wasaarada beeraha JDFI ahna iskuxidhaha mashruuca federalka ee 5ta deegaan uu ka howlgalo mashruucu mudane Nagatu Bugale oo sheegay in mashruucan bishii julay lagu ansixiyay kulinkii magaalada Adama kaasoo lagu dooranayay deegaamada uu ka howlgali doono mashruucu, Iyadoo bishii October ee isla sanadkana la dhaqangaliyay mashruuca,
Comments are closed