Munaasabad Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga

guledJigjiga (ESTVLIVE.COM) 26/11/2016

Munaasabad uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka socday wasaarda beeraha JDFI, Masuuliyiin ka socday xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI islamarkaana lagu furiyay mashruuca horumarinta iyo ka jawaabida saamaynta uu ku reebay bulshadii qaabishay qoxootiga ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

2Hadaba furitaankii munaasabada ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Guuleed Ow Cali Kaahin oo sheegay inuu mashruucani yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana lagu xaqiijinayo saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshadii qaabishay kuwaas oo kala ah, Afarta degmo ee Boqomayo, Awbare, Qabribayax, iyo Dolo adow, Wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa ku daray inuu xafiisku diyaariyay shaqaalihii degmooyinka ka howl gali lahaa mashruuca islamarkaana wixii maanta ka danbeeya uu shaqadiisa bilaabi doono.

g1Sidoo kale waxaa isana munaasabada ka hadlay agaasinka taageerada gaarka ah ee wasaarada beeraha JDFI ahna iskuxidhaha mashruuca federalka ee 5ta deegaan uu ka howlgalo mashruucu mudane Nagatu Bugale oo sheegay in mashruucan bishii julay lagu ansixiyay kulinkii magaalada Adama kaasoo lagu dooranayay deegaamada uu ka howlgali doono mashruucu, Iyadoo bishii October ee isla sanadkana la dhaqangaliyay mashruuca,

Waxaana deegaanka 1aad laga dhigay deegaanka soomalida itoobiya aadna waan oogu farxay inuu mashruucu ka howlgalo deegaanka soomalida itoobiya maadama deegaanku ka hanaqaaday isbadal horumarineed oo dhan walba ah, wuxuuna masuulku intaa ku daray inuu mashruucan ka qaybqaadan doono horumarka dalka iyo ka deegaankaba

Comments are closed