DAAWO Madaxweynaha Puntland oo Lagu Eedeeyay Faragalinta Doorashada Aqalka Hoose-Video

puntalandGaroowe (NN) 27/11/2016

Aqoonyahan C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashii oo ka mid ah murashaxiinta u tartamaya aqalka hoose ee barlamaaka Federaalka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu faragalin Toos ah uu ku sameeyay awood qaybsiga qaar ka mid ah Beelaha dega Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Murashaxa oo shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayaa sheegay in madaxweynuhu uu amar ku siiyay Guddiga doorashadda dadban ee heer Puntland inay bedelaan Ergadii uu soo xulay Ugaas Saleebaan Ciise Nuur, oo lagu bedelo Ergo kale oo aan sharci ahayn, taasi oo uu ku tilmaamay meel ka dhac madaxbanaanidii ay mudnaayeen guddiga doorashadau, isagoo ku amray arrintaas sharcidarada ah.

“ Kursiga waxaa laga qaaday Cabdi Garaad, Beel kale oo Baho-Nugaaleed ka mid ah ayaa la siiyay, Si xadgudub ah ayaa nalooga qaaday Faylkii aanu lahayn oo odoyaal dhaqameedku ku jira 135ka ay no soo buuxiyeen, Madaxweynaha ayaa si siyaasadeed dad kale nagu bedelay annaga” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay.

“ waxaan ahay murashax aqalka hoose, waxaanu buuxinay dhammaan shuruudihii, waraaqihii guddiga doroashada ayaa naga qabtay, hase yeeshee markii aanu dalbanay foomamkii murashixiinta inaanu qaadano, ayaa guddigu noo sheegeen in doorashadayadii hakad la galiyay, amar ka soo baxay Xagga madaxweynaha”

Wuxuu sheegay murashaxu in go’aanka madaxweynuhu uu dhaawacayo, islamarkaana uu wax u dhimayo midnimada iyo Nabada ka jirta Degaanka Puntland. Wuxuuna Baaq u diray Guddiga doorashooyinka federaaka, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo Beesha Caalamka inay si deg deg ah wax u qabtaan xadgudubkaas lagu sameeyay awood Qaybsiga beeshiisa.

Gabagabadii, Murashax C/raxmaan oo ah aqoonyahan ka soo soo shaqeeyay Xarumo caalami ah oo maaliyadeed, waxaa dhalay madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi,wuxuuna ka mid ahaa murashixiintii u tartamayay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2012 oo ka mid ahaa madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

 

Comments are closed