Jamhuuriyiinta Faransiiska oo maanta dooranaya Musharaxooda Madaxweynaha

francefaransiiska (NN) 27/11/2016

Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Faransiiska (Les Républicains) ayaa maanta dooranaya qofkii noqon lahaa Musharaxa Xisbiga Les Républicains, doorashada sanadka danbe. doorashadii dhacdey todobaadkii hore  ayaa waxaa ka qayb-qaatey Malaayiin Faransiis ah, waxaana isugu soo harey laba musharax, iyada oo Madaxweynihii hore Sarkozy si weyn looga adkaadey.

Tartanka maanta ayaa u dhexeeya laba nin oo ahaan jirey raysalwasaarayaal soo marey Faransiiska kuwaas oo kala ah François Fillon, 62 jir iyo Alain Juppé, 71 sano jir. Fillon ayaa doorashadii hore ku soo baxay kaalinta kowaad, waana nin si weyn u aaminsan nidaamka Conservative-ka, halka ninka la tartamaya Juppe uu yahay isbeddeldoon.

Fillon, ayaa doonaya in uu hoos u dhimo shaqooyinka Dowliga ah ugu yaraan nus Malyuun, Juppe ayaa isagu doonya tiro intaas ka yar in uu dhimo.

Goobaha codeynta ayaa la furay sideeda subaxnimo ee maanta, waxaana la xirayaa 7 fiidnimo.

Musharaxa soo baxa ayaa la tartami doona Musharixiinta Xisbiga bidixda ee uu hodda hoggaamiyo François Hollande, iyo musharaxa xisbiga cunsuriga ah National Front ee ay hoggaamiso Marine Le Pen.

Comments are closed