DAAWO Spain: Nin lagu tuhunsan yahay Daacish oo lagu qabtay Madrid Airport – VIDEO

madSpain (NN) 28/11/2016

Ciidamada Amaanka ee dalka Spain ayaa xabsiga dhigay nin asal ahaan kasoo jeeda Falastiin oo heysta dhalashada wadanka Spain, ninkan ayaa lagu tuhunsan yahay inuu u baxsanayey siduu ugu biiri lahaa kooxda Daacish.

Dowlada Spain ayaa sheegtay in horey bishii Luulyo ee sanadkan ninkan isku dayey inuu ku biiro kooxda Daacish ee dalka Siiriya, balse xiligaasi laga soo qabtay wadanka Turkiga.

Dalalka Yurub ayaa la tacaalaya sidii ay uga hortagi lahaayeen dhalinyarada ku nool dalalkooda ee doonaya inay ku biiraan kooxda Daacish, waxaana jirta cabsi ah in dadkan ay tababaro ku soo qaataan dagaalada ka socda Ciraaq iyo Siiriya si ay mustaqbalka weeraro uga geystaan gudaha dalalkii ay horey ugu noolaan jireen ee Qaarada Yurub.

Spain oo dar dar gelisay xariga ay la beegsaneyso dadka lagu tuhunsan yahay inay xiriirka laleeyihiin kooxda Daacish ayaa illaa iyo hada xabsiga dhigtay in ka badan 160 qof.

Comments are closed