Brussels (ESTVLIVE.COM) 28/11/2016
Haddaba waxaa maanta arruurtii Subaxnimo caasimada dalka Belgiumka ee magaalada Brussels ee Xarun EU ka dhacay Banaan bax Balaadhan oo Jaaliyadda DDSI ee ku nool Dalka Qaarada Yurub iyo qowmiyahada kale ee dalka itoobiya oo banaanbax weyn at soo agaasimeen isla markaana kaga soo horjeedaan hadhaaga taagta yar ee nabad diidka ah ee doonaya in ay soo nooleeyaan nidaamkii kaligii taliska ee dhargiga ee caadaystay cadaadiska, xasuuqa iyo cabudhiska qoomiyadaha kuwaasi oo ah ururada GiNBOOt7, ONAG.
Banaan baxan ayaa waxaa soo agaasimay dhamaan hogaaminta jaaliyada DDSI ee qaarada yurub Waxayna wateen Banaan baxayaashan boodhadh ay ku qoranyihiin erayo ay ku canbaaraynayaan kagana soo horjeedan ururadaasi. Kuwaasi oo ku dhawaaqayay ‘Ginboot7 down, Onag down iyo ubbo down.’ Taasi oo macnahoodu yahay ‘hadhacaan diciifka ah ee ginboot7, Onag iyo Ubbo ma arki karno ha dhacaan’ iyagoo dhanka kalana ay boodhadhka ugu qoraayeen islamarkaana kudhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan nidaamka federalismka ah ee ku dhisan rabitaanka iyo raali noqoshada qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya, dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada iyo waliba dastuurka JDFI ee saldhiga u ah nidaamka dimuqoraadiyada, iyo nidaanka koboca dhaqaale oo ku salaysan ninaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya iyo taabagalinta danaha guud ee qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya iyaga oo sidoo kale ku dhawaaqayay ‘Guul XDSHSI, Guul xukuumada DDSI.
Hogaaminta jaaliyadda DDSI ee Qaarada yurub oo la hadlayay warbaahinta afka soomaliga ku hadasha ayaa amaan, bogaadin iyo taageero balaadhan u soo jeediyay Xisbiga EPRDF ee wadanka ku hogaaminaya nidaamka federalismka ah ee ku salaysan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada islamarkaana uu dhex-yaalo dastuurka loo wada siman yahay. Waxayna taageero buuxda u muujiyeen xukuumada DDSI ee uu majraha u hayo madaxwayne Cabdi Mxamuud Cumar
Comments are closed