François Fillon ayaan mar danbe ku soo biirey tartanka, lama fileyn in uu guuleysanaayo, waxaana si weyn loo saadaalinaayey Sarkozy oo ku harey wareegii hore.
Musharaxa Les Républicains ayaa ol-olihiisi doorasdhada ballan qaadey xoojinta suuqa xorta ah, ka hortaga soo galootiga iyo in uu wax ka qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah, wuxuu sheegay in uu ilaalinaayo dhaqanka qoyska, kana soo horjeedo ilamaha oo la iska soo tuuro ama ay isguursadaan kuwo isku jinsi ah.
Doorashadii maanta ka dhacdey ee hordhaca ahayd ayaa la sheegay in ay ahayd mid ay ka qaybqaateen dadkii ugu tirada badnaa ee doorashooyinka hordhaca ah ka qaybqaata waxaana ay ka badneyd kuwii hore 4.5%.
Doorashada Madaxweynaha ee dalka Faransiiska ayaa dhacaysa 23 April 2017 waxaana ay maraysaa ugu yaraan laba wareeg, Waxaa indhaha caalamku ku jeedaan Xisbiga Socialist Party in ay dooran doonaan Musharaxa 2017 Madaxweynaha talada haya François Hollande kaas oo taageerada loo hayaa aad u hoseeyso ama ay keenaan Rayslawasaaraha hadda Manuel Valls. Haweeneyda hoggaamisa Xisbiga cunsuriga ah ee NF Marine Le Ben ayaa sheegaysa in ay dhiiri gelisey doorashadii Donald Trump ayna guul hubto 2017, iyada oo isticmaaleysa dareenka shacabka Populism. waxaana la aaminsan yahay in ay gaari doonto wareega labaad.
Comments are closed