Colombia: Diyaarad siday 81 qof oo ay ku jiraan koox ka timid Brazil oo soo dhacday

diyaaradClombia (NN) 29/11/2016

Waxaa socda gurmad lagu baadi goobayo dadkii saarnaa diyaarad ka timid dalka Brazil oo kusoo dhacday duleedka magaalada Medellin ee waqooyiga dalka Colombia.

Diyaaradan waxaa saarnaa 81 qof oo ay ku jiraan 9 shaqaalo ah iyo 72 rakaab ah. Dadka rakaabka ah ayaa u badnaa koox ciyaarta kubada Cagta oo ka tirsan horyaalka dalka Brazil.

Kooxdan lagu magacaabo Chapecoense FC ayaa lagu waday inay maalinta berito ah ay ciyaarta Final la ciyaaraan kooxda kasoo jeeda magaalada Medellin oo lagu magacaabo Atletico Nacional.

shil-diyaarad-colombia2016-1

Wararka uga danbeeyey ee laga helayo magaalada Medellin ayaa sheegaya in 9 qof nolol lagu helay, balse gurmadka degdega ah ayaa caqabado ka heystaan sidii ay ku gaari lahaayeen goobta ay diyaarada ku dhacday oo ah dhul buuraley ah.

Illaa iyo hada lama xaqiijin waxa keenay shilkan, balse waxaa la tuhunsan yahay in shilkan diyaarad ay sababeen roobab xoog badan oo ka da’ayey nawaaxiga magaalada Medellin oo diyaaradan ku socotay.

Comments are closed