DDAWO USA: Faah Faahin weerarkii uu geystay Wiil Soomaali ah ee Jaamacada Ohio State University – VIDEO

usa-weerarkii-ohio-somali3Mareykanka (NN) 29/11/2016

Wiilkii geystay weerarkii lagu qaaday Jaamacada Ohio State University ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Cartan, wuxuuna ahaa 18 sano jir ka tirsan Ardayda Jaamacadaasi.

Weerarkan dhacay subaxnimadii hore ee Isniinta xili ay ardayda galayeen fasalada Jaamacada ayuu Cabdirisaaq oo wata gaari la sheegay inuu leeyahay nin lagu magacaabo Maxamed Cali, si bareer ah u jiirsiiyey gaarigaasi dadkii marayey wadada hormarta xarunta Jaamacada, wuxuna kadib ka dagay gaarigiisa isagoo mindi ku weeraray dadkii shacabka ahaa ee goobtaasi ku sugnaa.

usa-weerarkii-ohio-somali4

Daqiiqad kadib ayuu goobta gaaray mid kamid ah Askarta Booliiska ee illaaliya Jaamacada kaasi oo isku dayey inuu joojiyo wiilkan mindida watay, balse markii uu ka dhego adeegay askariga amarkiisa ayaa la toogtay, sida uu xaqiijiyey madaxa Booliiska ee Columbus.

Xog dheeraad ah oo la helayo ayaa sheegaya in wiilkan uu bartiisa Facebook uu ku qoray qoraal kahor intuusan weerarkan qaadin, isagoona sheegay inuu ka careysan yahay dhibaatada loo geysanayo Muslimiinta Caalamka, isagoo soo hadal qaaday Muslimiinta reer Burma, wuxuuna sheegay in falkan uu geysan doono cidii aan taageersaneyn oo Muslim ah ay laftoodu yihiin argagaxiso huruda (Sleeper Cells), isla markaana ay mar uun ficil noocaan oo kale ah iyaguna sameyn doonaan, isagoo sheegay inuu u digayo Maraykanka.

Cabdirisaq Cartan ayaa sidoo kale qoraal ku qoray Joornaalka kasoo baxa Jaamacadaasi xiligii uu bilaabayey jaamacada, wuxuuna maqaalkaasi kooban uga hadlay dhibaatooyinka ka heysta xiliyada Salaada meeshii uu ku tukan lahaa isagoona sheegay inaysan Ardayda Muslimiinta aysan heysan goob ay ku tukadaan salaada, isla markaana ay ka cabsi qabaan in ay banaanka ku tukadaan maadaama dad badan fikir khaldan ka aaminsan yihiin muslimiinta, isagoona arrintaasi ku eedeeyey in Saxaafada Maraykanka ay mar walba sawir khaldan ka bixiso Muslimiinta. Hoos ka akhriso maqaalkaasi kooban.

usa-weerarkii-ohio-somali3

Baaritaanka ayaa weli socda, balse falkan ayaa kusoo beegamaya xili Madaxweynaha cusub ee la doortay Donald Trump uu ololihiisa ku sheegay inuu ka mamnuuci doono Maraykanka Muslimiinta Qaxootiga ah ama Muhaajiriinta ka timaada dalalka Islaamka. Isagoona ku dooday in ay khatar ku yihiin amaanka Maraykanka. Weerarkan ayey hada aad u hadal hayaan taageerayaasha Trump oo ku doodaya in muslimiinta oo dhan khatar ku yihiin amnigooda.

Comments are closed