DAAWO Germany: Sarkaal u shaqeeya Sirdoonka oo lagu helay Fal Argagaxiso – VIDEO

germanyGermany (NN) 30/11/2016

Mid kamid ah Saraakiisha u shaqeeya Sirdoonka dalka Germany ayaa la sheegay inuu xiriir lalahaa kooxaha Xagjirka ah ee Daacish / ISIS.

Sarkaalkan oo la sheegay inuu qaatay Diinta Islaamka ayaa da’adiisa lagu sheegay 51 sano jir, wuxuuna in muddo ah u shaqeenayey hay’ada sirdoonka Jarmalka ee loo yaqaan Bundesamtes für Verfassungsschutz (BfV) .

Baaritaanka ayaa weli socda balse xogta ay helayso Saxaafada Jarmalka ayaa lagu sheegay in ninkan sirta Hay’ada BFV uu u gudbiyey kooxaha xagjirka ah, isla markaana qorsheenayey weerar bambaano oo lagu qaado xarunta uu ka shaqeynjiray ee sirdoonka oo ku taal magaalada Cologne.

Ninkan ayaa sirtiisa la ogaaday kadib markii uu xiriir la sameeyey mid kamid ah basasiinta isla hay’ada BfV oo ay ku kulmeen shabakad (Chat) ay ku sheekaystaan taageerayaasha kooxaha xagjirka ah.

Hay’ada BFV ayaa diiday inay wax faah faahin arrintan ka bixiso wallow ay xaqiijisay in mid kamid ah Shaqaalahooda loo xiray inuu xiriir lalahaa kooxaha xagjirka ah isla markaana baaritaanka ay wado xeer illaalinta dalkaasi.

Comments are closed