DAAWO Holland: Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ansixiyey Sharci mamnuucaya Niqaabka – VIDEO

holland_parliamentHolland (estvlive.com) 30/11/2016

Aqalka Hoose Baarlamaanka Holland oo cod u qaaday ansixinta sharci cusub oo lagu mamnuucayo dharka wajiga lagu qariyo sida Niqaabka iyo Indho-shareerka, sharcigan ayaa dhaqan galaya marka uu sidoo kale ansixiyo Aqalka Sare ee dalkaasi.

Sharcigan ayaa gebi ahaan mamnuucaya in dharka qarinaya wejiga qofka aan lala soo geli karin goobaha bulshada sida, Xarumaha Dowlada, Iskoolada, Isbitaalada iyo Gaadiidka Dadweynaha.

Dharka la mamnuucay waxaa sidoo kale ku jira Maskaraatada wejiga qarisa (Ski-mask) iyo koofiyadaha wajiga qarinkara.

Hase yeeshee sharciga maaha mid diidaya in haweenka ay Niqaabka ku mari karaan wadooyinka ee waa mid ku kooban xarumahaasi kor lagu xusay.

Sharcigan ayaa waxaa muddo dheer u ololeenayey xisbiga cunsuriga ah ee Freedom Party oo uu hogaamiyo siyaasiga Islaamka neceb ee Geert Wilders oo isagu doonayey in gebi ahaan la mamnuuco niqaabka ay haweenka muslimiinta xirtaan, arrintaasi oo uu ku heli waayey taageero ku filan Baarlamaanka.

Dood dheer ayaa kasoo taagneyd sharcigan oo marar badan lagu fashilay inuu soo dhaafo Aqalka Hoose, iyadoo qaar kamid ah Xisbiyada dalkasi ay kasoo horjeedeen mamnuucida Niqaabka, waxayna arrintan keentay in sharcigan looqoro qaab kale oo ah in gebi ahaan la mamnuucay dharka wajiga qofka Qarinaya goobaha bulshada isugu timaado iyo xarumaha dowlada.

Waxaa xusid mudan in Muslimiinta ay xildhibaano ku leeyihiin Baarlamaanka Holland, waxaana hada Gudoomiyaha Aqalka Hoose ah Khadija Arib oo ah haweenay asal ahaan kasoo jeeda dalka Marooko.

Waxaa bisha Maarso ee sanadka soo socda ka dhici doonta dalka Holland Doorashada guud, waxaana hada la saadaalinayaa inay codod badan helin karaan xisbiga cunsuriga ah ee Geert Wilders hogaamiyo ee loo yaqaan PVV.

Comments are closed