Donald Trump: “…Qaxootiga Soomaalidu ma ahayn in ay Maraykanka joogaan….”

trumpp1Mareykanka (NN) 30/11/2016

Madaxweynaha la dortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaca ah waxa uu Twitterka ku soo direy fariin uu uga hadlaayo weerarkii ka dhacay Jaamacadda Ohio ee dalka Marayknaka, kaas oo uu geystey wiil Soomaaliyeed oo Jaamacadda uu weeraray Ardey ka ahaa.

Trump ayaa sheegay in masuuliyadda weerarkaas ay qaadatey ISIS, kaas oo uu fuliyey Somaali qaxooti ah oo aysan ahayn in ay joogaan waddankeena Maraykanka ayuu yiri Trump.

ISIS is taking credit for the terrible stabbing attack at Ohio State University by a Somali refugee who should not have been in our country.

Cartan oo ahaa wiilka fuliyey weerarka ay ku dhaawacmeen 11 qof, isaguna naftiisi ku waayey ayaa sharci ku joogey dalka Maraykanka, waxa uu ahaa ardey wanaagsan horeyna wax denbiyo ah uma gelin.

Laamaha amniga ee Maraykanka ayaa aminsan in uu weerarkani ahaa “lone wolf” oo loo isticmaalo dadka gooni socodka ah kadibna isla hadalka dartiis iyo caro wweerarada u geysta, waxaana ardeyda Jaamacaddu sheegayaan in Cartan aanu saaxiibo lahayn.

ISIS ayaa sheegatey in ay masuul ka tahay weerarkan, mana jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya IS iyo wiilka la diley ee weerarka fuliyey taas oo weli laamaha amnigu ay heleen.

Donald Trump ayaa la aaminsan yahay in uu cadaawad isaga qaadey dadka Soomaalida ah, kadib markii uu horey ol-olihiisa doorashada ku weeraray kuna tilmaamey Argagixiso kuwa jooga Minasota iyo kuwa la harey gobolka Maine.

Comments are closed