Caasha Xaaji Cilmi oo eedeysey Madaxweynaha Galmudug

cashoCadaado (NN) 01/12/2016

Maalintii shalay doorashadii ka dhacdey degmada Cadaado ee lagu soo xulaayey Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in mid kamid ah kuraastii shalay lagu guuleystey ay ka timid cabasho weyn.

Caasha Xaaji Cilmi oo kamid ahayd musharixiinta ayaan ka qaybgelin doorashada, kadib markii kursi loo qoondeeyey haween keliya ay wax ka beddeleen guddiga doorashada ee Galmudug oo amar ka haysta Madaxweynaha Galmudug sida ay ku eedeysey, waxaana ay ka dhigeen in rag u tartami karo kursigaas, waxaana ku guuleystey nin lagu magacaabo Maxamed Abtidoon Yare.

Caasha Xaaji Cilmi oo horey u soo ahayd Xildhibaan ayaa sheegtey in beesheedu ay Baarlamaanka ku leedahay saddex kursi kaas oo mid kamid ah la doonaayo in uu noqdo qoondada Dumarka.

Caasha ayaa sheegtey in Madaxweynaha Galmudug ku yiri “Kursiga waxaad ku fadhiyay 16 sano, dadka la soo doortey oo Baarlamaanka kamid noqonaya kuwo badan ayaa 16 sano Xildhibaan soo ahaa denbina maaha taasi, dadka waxqabadka leh 40 sano ayey fadhin karaan xitaa ayey tiri Caasho Xaaji Cilmi mar ay u warameysey VOA.

Kursiga Caasha Xaaji u tartameysey ayey sheegtey in ay duulaan gaar ah ku ahaayeen guddoomiyaha guddiga doorashada iyo Madaxweynaha Galmudug, waxaana si gaar ah kursiga iigu haystey Cabdikariin Xuseen Guuleed ayey tiri Caasha Xaaji Cilmi

Waarar soo baxay maanta ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada ee heer Federaal ay maanta war ka so saarayaan doorashadii shalay ka dhacdey Cadaado ee kursiga haweenka lagu boobay.

Comments are closed