Midowga Yurub ayaa sare u qaadaya dhaqaalaha ay ku bixiyaan iibsiga hubka casriga ah iyo waliba dhismaha hub iyaga u gaar ah, waxayna sheegeen in mashruucan uu socon doono illaa sanadka 2027, waa mashruucii ugu weynaa ee Midowga Yurub bilaabo muddo 10 sano ah.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Maraykanka Barack Obama socdaalkiisii ugu danbeeyey ee ku yimid Yurub, wuxuuna Obama xiligaasi diirada saarayey sidii uu kalsooni buuxda usiin lahaa xulafada Maraykanka ku leeyahay Yurub inaysan wax walaac ah ka qabin in Maraykanka uu mar walba taageero militari la garab taagan yahay.
Hase yeeshee Midowga Yurub ayaa hada u muuqda inay qaateen go’aan ah inay gaaraan isku filnaasho buuxda oo dhanka militariga ah. Waxayna arrintan keeni kartaa loolan cusub oo ka dhex bilowda shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka iyo kuwa Midowga Yurub.
Comments are closed